Dhowr warbixin oo ay diyaariyeen sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay in Tel Aviv ay diyaar u tahay in ay weerarto xarumaha Nukliyeerka Iran, iyada oo la kaashaneysa Mareykanka, waxayna sheegeen haddii Tehran aysan aqbalin in ay joojiso samaynta Nukliyeerkaas ay ku qaadi doonaan weeraro xooggan, sida uu sheegay wargeyska The Washington Post.
Wargeysku waxa uu sheegay, in digniinaha ku saabsan suurtagalnimada weerar ay Yahuuddu ku qaado Iran ay ku jiraan warbixinno sirdoon oo kala duwan oo sheegay in arintan ay kor u kacday dhammaadka maamulkii madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden iyo bilowgii maamulka Donald Trump, warbixintaas oo ahayd warbixin ay soo saareen horraantii bishii January ee sannadkan hoggaanka sirdoonka ee Taliyayaasha isku dhafka ah ee ciidamada iyo hay’adda sirdoonka difaaca, ayaa muujinaysay qaabka ay Sahaayinadu u qorshaynayaan weerarkan.
Warbixintu waxay ka digtay in ay Yahuuddu qorshaynayso isku dayga inay weerarto xarumaha Nukliyeerka ee Fordo iyo Natanz ee Iran lixda bilood ee ugu horreeya sanadkan 2025-ka.
Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo xog-ogaal u ahaa xogtan sirta ah ayaa sheegay, in arintan ay ka dhalatay falanqayn lagu sameeyay qorshaha Yahuudda, kaddib markii ay duqaysay Iran dabayaaqadii bishii Oktoobar, taas oo keentay in difaaceeda cirka ee Iran ay xumaadeen, ayadoo Tehran la sheegay in ay u nugushahay in weeraro cusub lagu qaado.
Warbixintan ayaa lagu sheegay laba ikhtiyaar oo suurtagal ah, mid kasta oo ka mid ah ayaa ku lug leh Mareykanka inuu taageero u fidiyo Yahuudda, si ay iskaga difaacdo jawaabta uga imaan doonta Iran.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in weeraradan ay Yahuuddu damacsan tahay ay ogolaanayaan in diyaaradaha Yahuuddu ay gantaalaha ballistic-ga ah ka soo ridaan meel ka baxsan hawada Iran.
Maamulka Trump ayaa Yahuudda ka ibiiyay hub kiimikaa isbuucii lasoo dhaafay, taas oo la ogaysiiyay aqalka Congress-ka, hubkan ayaa ka dhignaa saanad military oo ay Yahuuddu doonayso inay weeraro ku qaado.
Saraakiil ka tirsan dawladda Maraykanaka oo codsaday in aan magacooda la shaacinin ayaa sheegay in maamulka Biden uu ka fikiray maalmihiisii ugu dambeeyay in ay taageeraan talaabada Yahuudda balse ay go’aansadeen in ay dib udhigaan.
Ugu dambayntii Ilo-wareedyo ka tirsan hogaanka Maraykanka ayaa shabakaddan u xaqiijiyey in Yahuuddu aanay awood u lahayn inay burburiso barnaamijka Nukliyeerka ee Iran ayadoon haysan taageerada Maraykanka.