Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa ku dhawaaqay in Yaxya Sinwar loo magacaabay madaxa xafiiskooda siyaasadda.
Sinwar, ayaa bedelaya hogaamiye Ismaaciil Haniya, oo toddobaad ka hor lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran.
Hogaamiye Sinwar ayaa ah nin ay gumeystaha Yuhuudda ku tilmaamaan in uu yahay xagjir halis ku ah mashruucooda gumeysiga ah.
Magacaabista Yaxya Sinwar ayaa xalay hadal hayn badan ka dhalisay dunida.
Dadka falanqeeya siyaasadda iyo arimaga amniga ayaa ku tilmaamay in magacaabista Sinwar in ay tahay dharbaaxo culus oo ku dhacday gumeystaha Yuhuuda.