Yemen oo laga soo Calaamadeeyay 30 Kun oo Kiis oo Cudurka kansar ah Sannadkiiba.

10
0

Wasiirka Caafimaadka ee Yemen Dr. Qaasim Buhaibeh ayaa shaaca ka qaaday, in 30 Kun  oo xaaladood oo kansar ah sanadkiiba laga diiwaan galiyo dalka, isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in loo hoggaansamo hababka looga hortagayo cudurkan halista ah.

Buhaibeh ayaa hadal uu siiyay shabakadda Al-Jazeera ku sheegay, in faafitaanka cudurka Kansarka uu ka gaaray dalka Yemen heer aad u sareeya, taasoo keentay in saameyn xun uu ku yeesho dhanka caafimaadka, isagoo sharaxay, in kororka tirada kiisaska cudurka uu u baahan yahay dejinta istaraatiijiyad lagula dagaallamo.

Si taas loo gaaro, Wasiirka Yemen ayaa sheegay in Istaraatijiyadda Xakamaynta Kansarka ee sannadaha 2025-2030 si rasmi ah looga dhawaaqay caasimadda ku meel gaarka ah ee Cadan shalay oo Isniin ahayd, kaas oo ka kooban dhowr mowduuc  oo ay kamid yihiin qaabka uu ku faafo kansarka, heerka uu hadda ka marayo Yemen iyo tallaabooyinka mudnaanta leh ee ay tahay in la qaado muddada soo socota.

Buhaibeh ayaa sheegay, in wasaaradda caafimaadku ay ka bilaabi doonto magaalada Cadan iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada mashaariic horumarineed oo dhowr ah oo lagula dagaalamayo cudurkaan, isagoo carabka ku adkeeyay, in loo baahan yahay in la isku dhafo maamul goboleedyada kala duwan si loo sameeyo xarumo lagu daweeyo dadka qaba cudurka kansarka.

Waxa uu tilmaamay, in Wasaaraddu ay dooneyso in ay soo bandhigto dhowr talaal oo muhiim u ah ka hortagaya faafitaanka cudurada, isagoo dhanka kale tilmaamay, in loo baahan yahay in la tayeeyo dhinacyada ka hortagga si loo yareeyo cudurka, iyo in la helo xarumo lagu daweeyo iyadoo ujeedadu tahay in qeyb laga gaaro hamiga la rabo.

Waxaa xusid mudan, in xarumaha caafimaadka ee dalka Yemen ay ka jirto xaalad aad u liidata oo ay ugu wacan tahay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Xuuthiyiinta tan iyo dhamaadkii sanadkii 2014-kii, kaasoo sababay in la xiro goobo badan oo caafimaad, isla markaana waxaa dilaacay cuduro iyo xanuuna faafa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here