Madaxweynaha Yukrayn Faladamiir Zalaniski ayaa Sabtidii shalay ku dhawaaqay, in Kiyeef ay uu soo jeedisay Mosko wareeg saddexaad oo wadahadal nabadeed ah, kaas oo qabsooma toddobaadka soo socda, kadib markii wada xaajoodyadii u dhaxeeyay labada dhinac uu istaagay horraantii bishii Juun ee lasoo dhaafay.
Madaxweynaha Yukrayn ayaa sidoo kale ku celiyay, inuu diyaar u yahay inuu si fool ka fool ah ula kulmo dhiggiisa Ruushka, Faladamiir Butin, isagoo tilmaamay, in Kulan dhex mara isaga iyoo Butin uu lama huraan u yaha xaqiijinta nabad dhab ah oo waarta, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Inkasto oo uusan Ruushku ka jawaabin baaqan cusub ee kasoo yeeray madaxwaynaha Yukrayn Faladamiir Zalaniski haddana waxa uu kusoo aadayaa, xilli uu Ruushku ku hanjabay, inuu xoojin doona weerarradiisa ka dhanka ah Yukrayn, hadalkaas oo jawaab u ahaa cunaqabatayn cusub oo ay dowladaha reer Yurub kusoo rogeen Mosko.