Yurub oo ka Cabsi Qabtaa in uu Maraykanku Kala Baxo Ciidamadiisa.

21
0

Wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa sheegay, in saraakiisha Yurub ay rumeysan yihiin in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u badan yahay inuu ciidamada Mareykanka ka saaro dalalka Baltiga, taasi oo Yurub ka dhigeysa mid aan difaac lahayn oo halis ugu jirta weerarada Ruushka.

Sida laga soo xigtay wargeyska, laamaha ammaanka ee reer galbeedka iyo siyaasiyiinta ayaa ka baqaya inay soo afjaraan joogitaanka ciidamada Maraykanka ee qaybo ka mid ah Yurub, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in dalalka Yurub ay tahay inay u diyaar garoobaan isbedel qoto dheer haddii Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ay heshiis gaaraan.

Wargeysku waxa uu soo xigtay ilo xogogaal ah oo sheegaya in aan hadda laga hadli doonin saldhigyada Maraykanku ku leeyahay Ramstein ee Jarmalka iyo ciidamada cirka ee Britain, balse waxa uu sheegay in Talyaanigu isu diyaarinayo in ciidammada Maraykanku ay ka baxaan Kosovo.

Todobaad kahor, xoghayaha difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay, in maamulka Trump uusan qorsheyneynin in la dhimo heerka ciidamada Mareykanka ee Yurub waqti dhow, balse waxa uu carabka ku adkeeyay in mas’uuliyadda Yurub oo ka xorowda ciidamada shisheeye aysan ahayn in ay ku dhacdo Washington oo keliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here