Zambia oo ugu Baaqday Muwaadiniinteeda ku Sugan Maraykanka inay Isaga Soo Baxaan Dalkaas.

12
0

Maamulka Zambia  ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda ku nool dibadda, gaar ahaan Mareykanka, ee aan heysan sharci dal ku jooog ah, inay si degdeg ah oo iskood ah ugu soo laabtaan dalkood, inta aan lasoo tarxiilin.

Baaqan ayaa daba socday war rasmi ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Zambia , taas oo ku boorisay muwaadiniinta inay si adag ugu hoggaansamaan shuruucda socdaalka ee dalalka ay deggan yihiin, iyagoo ka digay cawaaqib xumada joogitaanka sharci darrada ah, kuna dhiirigalisay muwaadiniinteeda inay si sharaf leh ugu soo laabtaan waddankooda.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya, in maamulka madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam uu ka fikirayo inuu xayiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogo muwaadiniinta 36 dal oo cusub oo ay ku jirto Zambiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here