Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku dhawaaqay, habeenimadii Talaadada in wadankiisu uu sii wadi doono dagaalka sanadkan hada bilowday ee 2025-ka, si loo gaaro guulo aan hadhow ku gorgortami karno marka laisku yimaado miiska wadahadalka, si loo soo afjaro dagaalka Ruushka ee madaxa la galay sanadkiisii 4-aad.
“Maalin kasta oo ka mid ah sanadkan caawa bilaabanaya, waa inaan dalkeena u dagaalano, si loo helo dalkeena oo ka gudbay imtixaanadii, codkeenana loo maqlo, haddii ay joogno goobta dagaalka ama miiska wadahadalka,” Zelensky ayaa sidaas ku yiri mar uu Khudbad ka jeediyay munasabad sanadka cusub lagusoo dhawaynayay.
Zelensky wuxuu kaloo carabka ku adkeeyay in dalkiisa uu sameyn doono wax walba oo awoodiisa ah sanadka 2025-ka, si looga hortago qulqulka ciidamada Ruushka ee faraha kulul ku haya gobalada dalkaas.
“Waxaan rajeynayaa in 2025-ka uu inoo noqdo sanadkayaga, sanadkii Ukrainianku guulaysan lahaayeen, waan ognahay in nabadda aan hadiyad ahaan naloo siin, laakiin waxaan sameyn doonaa wax walba oo awoodeena ah si aan u joojino Ruushka oo aan u soo afjarno dagaalka, tani waa waxa mid kasta oo naga mid ah uu rajeynayo” , ayuu yiri Zelensky mar uu hadalkiisa sii watay.
Trump ayaa ku dhawaaqay in uu dagaalka Ukraine ku soo afjari doono 24 saac gudahood marka uu dib ugusoo laabto Aqalka Cad ee Maraykanka, ballan-qaadkaas oo keenay cabsida laga qabo in Ukraine lagu khasbi doono inay ka tanaasusho dhulalka uu Ruushka maamulo, ayay hadana dad badan oo Ukraine ah u arkaan inuu xal u yahay dagaalka.