Zelensky: Ukrain waa laga adkaan doonaa haddii Maraykanku uu joojiyo gargaarka uu siiyo.

18
0

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa  shalay ka digay, in dalkiisa ay jabin doonaan ciidamada Ruushka, haddii Maraykanku uu joojiyo kaalmada milatari ee uu siiyo Ukraine, xilli Kiev iyo xulafadeeda reer galbeedka ay ka cabsi qabaan in Trump uu joojiyo gargaarkan.

Wareysi uu siiyay shabakadda telefishinka Fox News ee Mareykanka, Zelensky wuxuu yiri, “Haddii uu go’a gargaarka Maraykanka, waxaan u maleynayaa in nala jabin doono” Wuxuuna intaas ku daray: “Dabcan waan sii wadi doonnaa dagaalka, laakiin uma malaynayo  inaan kaalmadaas la’aanteeda guuleysan doonno.”

Zelensky waxa uu carabka ku adkeeyay in waxa ugu muhiimsan ay tahay midnimada u dhaxaysa Ukraine iyo Maraykanka, isaga oo intaa ku daray, in madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uu saameyn ku yeelan karo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin si loo joojiyo dagaalka.

Ukraine iyo xulafadeeda Yurub waxay ka baqayaan, in taageerada Maraykanka uu siiyo Ukraine uu wiiqmo, ama in lagu soo rogo Ukraine  heshiis ay qaybo ka mid ah dhulkeeda oogu  tanaazulaysa Ruushka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here