Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay, in dalkiisa uu doonayo in dagaalka Ruushka uu ku soo afjaro qaab diblumaasiyadeed, isagoo muujiyay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin si dagaalka xal looga gaaro.
War qoraal ah oo uu ku daabacay akoonkiisa Telegram shalay Khamiistii, Zelensky wuxuu ku yiri: “Mareykanka iyo wadamada Midowga Yurub waxay aaminsan yihiin in shir diblumaasiyadeed oo lagusoo afjaro dagaalka aysan suurtagal ahayd illaa uu aqbalo shirkaas madaxwaynaha Ruushka ee Putin”.
Hadalka Zelensky ayaa imaanaya kaddib markii safiirka Ukraine u fadhiya Mareykanka uu sheegay, in ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Trump u qaabilsan Ukraine iyo Ruushka, Keith Kellogg, uu wada hadal ballaaran la yeeshay kulankoodii ugu horreeyay ee rasmiga ahaa.
Ukraine ayaa isku dayaysa in ay xiriir dhow la sameyso maamulka cusub ee Trump, kaas oo sheegay in uu doonayo in uu si deg deg ah u soo afjaro dagaalka 3 sano jirsaday.
Trump Intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada, waxa uu ballan qaaday in uu dagaalkaas ku soo afjari doono 24 saac gudahood. Si kastaba ha ahaatee, Ruushka iyo Ukraine ayaa weli aad u kala fog, mana cadda wakhtiga uu u dhaqan geli doono heshiiska xabbad joojinta oo ay kala saxiixdaan labadan dal.